Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? - Cabdulqaadir Cabdulle Diini - Books - Looh Press Ltd - 9781912411238 - June 27, 2019
In case cover and title do not match, the title is correct

Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya?

Cabdulqaadir Cabdulle Diini

Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya?

Buuggan koobani wuxuu isku dayayaa inuu muuqaal guud ka bixiyo Xeer-soomaaliga iyo taariikhdiisa. Sidoo kale, inuu dulmar guud ku sameeyo mabda'a Calmaaniyadda, bulshadana loo soo bandhigo dhaqammada uu hoosta ku wato mabada'aasu. In la muujiyo waxa u dhexeeya Xeer-soomaaliga iyo Calmaaniyadda iyo sida Xeer-soomaaligu uu hoosaasin ugu noqday inay dhaqammo qalaad waddanka soo galaan. Dhanka kale, in wax laga tilmaamo sida xeerkeenna loo hagradey, loogana hormariyey mabda'ii Calmaaniyadda ee ay qaateen dawladihii waddanka soo maray. Ujeeddada uu buuggu ka duulayo waxaa lagu soo koobi karaa:

In bulshada loo bidhaamiyo saldhigga Xeer-soomaaliga, taariikhdiisa iyo halka uu ka soo jeedo. In la tilmaamo sida uu Xeer Soomaaligu u fududeeyey inay bulshada soo dhexgalaan dhaqammo shisheeyo. In la muujiyo halka habacu ka yimid, iyo arrinta bulshada ku keentay inay xeer ku dhaqmaan iyagoo ah dad Muslim ah. Sida xeerku uu hadoodil ama gabbaad ugu noqday mabda'a Calmaaniyadda. In la caddeeyo in Xeer Soomaligu ka mudnaa, bulshadana uga fiicnaa mabda'ii Calmaaniyadda ee ay qaateen dawladihii waddanka soo maray.

Sida xeerku u siiyo magan calmaaniyiin badan oo ummadda ku dhex nool, mabda'aasna faafiya. Sidoo kale, in la tilmaamo mabaadi' badan oo ku hoos qarsoon Calmaaniyadda, sida ilxaadka, iyo wixii la mid ah (iwm). In falanqeyn lagu sameeyo waxa u dhexeeya Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda.


178 pages

Media Books     Paperback Book   (Book with soft cover and glued back)
Released June 27, 2019
ISBN13 9781912411238
Publishers Looh Press Ltd
Pages 178
Dimensions 140 × 216 × 10 mm   ·   231 g
Language Somali  

Show all

More by Cabdulqaadir Cabdulle Diini