Taariikhda Culimada Soomaaliyeed - Mohamed Hussein Ma'allin Ali - Books - Looh Press Ltd - 9781912411337 - September 25, 2021
In case cover and title do not match, the title is correct

Taariikhda Culimada Soomaaliyeed

Mohamed Hussein Ma'allin Ali

Price
A$ 40.99

Ordered from remote warehouse

Expected delivery Sep 12 - 26
Add to your iMusic wish list

Taariikhda Culimada Soomaaliyeed

Qarniyadii dhexe waxaa geyiga carbeed caan ka noqdey culimo asal ahaan ka soo jeedda geeska Afrika ee ay degaan dadka ay ka mid yihiin Soomaalidu, kuwaa oo qeyb lixaad ka qaatey kaalimo kala duwan oo kaga aaddanayd horumarka bulshada, ha ahaato dhanka cilmiga iyo faafintiisa, ama dhanka garsoorka, tarbiyadda iyo gundhigga diinta Islaamka. Culimadaasi kuma aysan jaango'neyn degaan keliya e, waxay ku kala firirsanaayeen dhammaan geyiga carbeed, muddooyin kala duwan.




Raadraaca taariikhda culimada Soomaaliyeed ee waayadii hore waxaan ku ogaan karnaa heerka iyo baaxadda ay gaarsiisan tahay magaca iyo qiimaha ay ku lahaayeen bulshada Islaamka dhexdeeda, waxaana hubaal ah in aanay jirin magaalo ama goob ay bulshadu deggan tahay oo aanay joogin culimo ku xeel dheer diinta iyo cilmiga la xiriira.



Waxase nasiib xuma ah in uusan jirin ilaa iyo hadda buug lagu soo bandhigo sooyaalkii culimada Soomaaliyeed oo ka faalloonaya taariikhdooda oo keliya, afka uu rabo ha ku qornaadee, in kasta oo ay jirto in qorayaal badan ay isku dayeen inay wax uun ka xusaan culimada qaarkeed iyo waayahoodii oo ay ku dhex dareen cilmi-baarisyo kale oo laga sameeyay cilmiga iyo faafinta diinta ee dalka Soomaaliya.




MAXAMED XUSEEN MACALLIN wuxuu ku dhashay Muqdisho 1964kii. Sidoo kale waa bare, iyo cilmibaare. Wuxuu ka qalan jabiyay Jaamacat Umm al-Quraa' ee Makka al-Mukarama, qodob ku saabsan Taariikhda Islaamka sanadkii 1987-1991kii, isla jaamacaddaas sidoo kale master sanadkii 1992kii. PhD wuxuu ku sameeyay Jaamacada al-Nuureyn Suudaan sanadkii 2001-2006kii. Dr Maxamed Xuseen Macallin wuxuu ka soo shaqeeyay Jaamacada badan. Sidoo kale qoraagu wuxuu ka mid yahay ururo aqooneed oo caalamka ku firirsan.

Wuxuu horey u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin kuwan: Diiwaanka Maansooyinka Abshir Bacadle, (2014); Taariikhda Culimada Soomaaliyeed (2021). Sidoo kale wuxuu Afcarabi ku qoray: al-Thaqaafat al-Carabiyyah war-Ruwwaaduhaa fiil-Soomaal (2011); Mucjam al-Mu'allifiin al-Soomaaliyiin fiil-Carabiyyah (2016); Cibaaqarat al-Qarn al-Ifriiqii (2017); al-Calaaqat bayn al-Qarn al-Ifriiqii wal Caalam al-Khaarijii (2021).

Dr Maxamed Xuseen Macallin hadda wuxuu deggen yahay waddanka Noorwaay, waana aabbe, xaas, caruur leh.

Media Books     Paperback Book   (Book with soft cover and glued back)
Released September 25, 2021
ISBN13 9781912411337
Publishers Looh Press Ltd
Pages 424
Dimensions 140 × 216 × 24 mm   ·   535 g
Language Somali